U bood dhigaalka

Xoolo dhaqato aano qabiil loogu dilay duleedka Dhuusa-mareeb

Sheeko:War

gee

Labo nin oo xoolo dhaqato ah ayaa maanta aano qabiil loogu dilay duleedka dagmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka “Dhaban Dhul ku heys” oo ilaa 35km u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Dadka ku dhaqan deegaankaas ayaa mar qura ka war helay dilka.

Guddoomiyaha dagmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda qoroow ayaa sheegay inay dhex dhexaadinayaan dhinacyada isku haya deegaanadaasi, waxaana uu tilmaamay in maamulku uu dadaal u gelli doono sidii loo wada hadashiin lahaa dhinacyadaasi.

Xilliga la dilay labadan nin ee xoolo dhaqatada ayaa ahayd barqadii maanta,markaas oo ay xoolo dhaqatada u daajin geeyeen xoolahooda dhul uu ka da’ay roobka guga.

Wararka Goobjoog news