Balanballe oo lagu qabtay kulan nabadayn ah
Sheeko:War
Kulan looga hadlayay xalinta khilaafaadka iyo sida looga hor tegi karo colaadaha ka dhex dilaaca beelaha walaalaha ayaa ka dhacay degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud.
Kulankani oo ahaa mid lagu soo af jarayay colaado u dhexeeyay beelo wada dega Xeraale iyo Balanbal ayaa waxaa ka qayb galay maamulada deegaanadaasi.
Guddoomiyaha Balanbal Hareeri Xasan Barre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in wax walba oo la kala tabanayo lagu xaliyo sida ugu macquulsan.
Wada hadaladan ayaa yimid kadib markii falal dil ah ay ka dheceen meel u dhaxaysa Xeraale iyo Balanballe.
Colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil iyo dhul daaqsimeedka ayaa ku soo noq noqday gobolo ka tirsan koofurta iyo bartamaha dalka.