Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay iibsashada dhulka dowladda
Hogaanka hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay iibsashada xarumaha ciidamada boolisku ay ku leeyihiin degmooyinka iyo gobolada dalka Soomaaliya.
Afhayeenka hay’adaha ammaanka ee dowladda Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo bateen dadka iibsanaya dhismayaasha dowladda ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Afhayeenka ayaa digniin adag u diray dad Soomaaliyeed oo uu sheegay afhayeenku in ay iibsanayaan xerada wiil waal ee ciidamada booliska ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.
Afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in dadka gadanaya dhulkaasi iyo kuwa laga iibinaya in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono waxa uuna intaasi ku daray in arrintani ay kala hadleen maamulka gobolka hiiraan.
Afhayeenka ayaa ka digay arimaha ku aadan iibsashada dhulalka iyo dhismayaasha dowladda, waxaana uu ku baaqay in ay dadku ka fiirsadaan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa kol hore burburin ku sameeyay hotel ku yaallay isgoyska Bakaaraha, kaas oo uu sheegay in uu ahaa dhul ay leedahay dowladda.