Kooxda Banaadir SC oo ku guulaysatay koobka Maalinta Nabadda Aduunka-Sawiro.
Kooxda Banaadir SC oo ku guulaysatay koobka Maalinta Nabada Aduunka-Sawiro.
kooxaha kubada cagta Elman iyo Banaadir Sports Club aya ashalay galab ku kulmay garoonka Banaadir ciyaartan oo ay soo qaban qaabiyeen UNSOM oo kaashanaya Xiriirka Soomaaliyeed kubadda cagta ayaa lagu Maamuusayay Maalinta nabadda aduunka oo ku beegan 21-ka bishan balse ay si hor dhac u qabsadeen .
Daawashada Ciyaartan waxaa ka soo qayb galay Madaxada Xiriirka Kubada cagta , wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay Nicolas Kay iyo xubna ka tirsan Unsom.
Waxaa ugu horayn halkas ka haldy Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab, waxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in garoonka Banaadir ay ku soo dhaweeyaan Nicolas Kay wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay , waxna ay ka abuulaan ciyaarta maalinta nabada aduunka ,
Guddoomiye Cabdi Qani ayaa dhanka kale ka codsaday Mr kay in uu u soo jeesto isbortiga gaar ahaan kubada cagta madaama ay umada soomaliyeed ay xiseen boqolkiiba 87 kubadda cagtana ay door muhiim uga jirto arimaha bulshada.
Nicolas kay oo isna ka hadkay ayaa sheegay in ujedkd unsom ay koobkan u dhigtay ay tahay in bishan lagu tixgeliyo bishan nabadda caalamka, Soomaaliyana ay u dhaqaanayso xaga nabadda,
Kay aya dhanka kale sheegay in Soomaliya ay u badna yihiin dhalinyaro dadkooduna boqolkiiba 70 ay u dhaxeeyan da’da 25 nabadna ay ubaahan yihiin iyo hor mar.
Nicolas Kay ayaa kubadad u baasay ciyaarta sidaana ay ciyaartii ku bilaabatay.
koobka maalinta nabadda oo ay ku loolamayeen kooxaha banadiarSC iyoElman ayaa ciyarta waqtigi loogu talo galay ku dhamatay 2-2- rigoorayaal loo dhigay waxan koobka ku hanatay kooxda banaadir Sports Club.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: [email protected]
Wararka Ciyaaraha Goobjoog
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: [email protected]
Wararka Ciyaaraha Goobjoog