Shirkadda Apple I oo Raadineysa computer Qashin qubka lagu riday
Xarunta San Francisco recycling centre ayaa raadineysa Computer si qaldan ku baxay, Computer-ka oo lagu tilmaamay mid taariikh leh, waxaa uu ka haray shirkadda Apple I .
Computer-kan waxaa uu ku jiray qalab Computero iyo alaabo kale isugu jira oo Haweeneydan ay qashinka ku dartay markii uu geeriyooday ninkeeda.
Machine-kan waxaa uu ku jiraa 200 oo Computer oo markii ugu horeysay ay shirkadda sameysay.
Shirkadda ayaa Computer-ka qof uga iibisay $200,000 (£131,000).
Haweeneyda ayaa Computer-ka ku iibisay kala u bar lacagtii lagu soo iibiyay bishii April, Shirkadda waxaa ay bilowday olole balaaran oo ah sidii dadka loogu sheegaa Compuer-kaas iyo in qofkii haya uu shirkadda usoo celiyo.
Computer-kan waxaa sameeyay Steve Wozniak, waxaa mid ka mid Computeradii ugu horeeyay ee Apple I. Waxaa la iibiyay July 1976 qiimo dhan $666.66, machine-ka waxaa uu leeyahay 4kB of memory.
Ilaa iyo hadda waxaa la rumeysan tahay in 63 ka mid ah computeradaas ay weli shaqeyn karaan halka inta kale iska baaba’een.