Ninkii Soo Alifay Adeegga SMS-ka oo Geeriyooday
Sheeko:Saynis & Tiknooloji

Waxaa laga yaabaa qof kasta oo akhristayaasha ka mid ah uu diro ama helo SMS maalin walba balse ninkii sameeyay ayaa geeriyooday.
Matti Makkonen oo qeyb ka qaatay sameynta SMS-ka ayaa ku dhintay da’ada 63 kadib markii uu xanuunsaday.
Makkonen waxaa loo yaqaanaa Aabihii SMS kadib markii uu keenay firkadda SMS-ka in laga diro Mobilka kaas oo hadda dunida caan ka noqotay.
2012-kii, waxaa uu sheegay in SMS-ka uu jiri doono waligiis, arintaas oo kalsooni galisay dadka Mobilada ka dirsada SMS-ka.
Isagoo ka hadlayey xiligaas 20 sano kadib markii ugu horeysay ee fariin la diro xagga SMS-ka, Makkonen waxaa uu sheegay in Fikradda isaga uu keenay balse hirgalinta ay gacan ka siisay shirkadda Nokia.