Cudurka halista ah ee Ebola ayaa gaaray laba aag caafimaad oo cusub oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyadoo tirada guud ee goobaha uu cudurku saameeyay ay gaartay 60 aag.
Wasaaradda Caafimaadka Congo ayaa sheegtay in labada goobood ee cusub ay kala yihiin Biena iyo Manguredjipa, kuwaas oo ku yaalla gobolka North Kivu.
Aagaggaas waxaa laga soo sheegay heer dhimasho oo ka sarreeya celceliska guud ee cudurka, iyadoo masuuliyiintu arrintan qayb ahaan ay ku sababeeyeen dib-u-dhaca ku yimid dadaallada wax-ka-qabashada.
ilaa hadda Congo ayaa laga diiwaangelisay 5,794 xaaladood oo la xaqiijiyay, halka 2,786 qof ay dhinteen, taasi waxay ka dhigan tahay heer dhimasho oo ku dhow 48 boqolkiiba.
Hay’adaha caafimaadka ayaa ku tilmaamay faafitaanka mid aan caadi ahayn oo xawaare sare ku socda, iyadoo dadaallada lagu ogaanayo laguna xakameynayo cudurka ay la halgamayaan in ay la jaanqaadaan fiditaanka Ebola.
Colaadaha ayaa adkeynaya gurmadka
Dhibaatada waxaa sii xumeynaya colaadaha hubeysan ee ka jira gobollada uu cudurku saameeyay.
Barakaca dadka, weerarrada lagu qaado shaqaalaha iyo xarumaha caafimaadka, dhaqdhaqaaqa badan ee dadka iyo kaabayaasha caafimaad ee liita ayaa dhammaantood caqabad ku ah xakameynta cudurka.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay xaaladda, ayadoo xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres uu sheegay in Ebola uu si ka dhakhso badan dadaallada lagu xakameynayo u fidayo.
Sidoo kale Dowladda Congo ayaa sheegtay in halkaas laga xaqiijiyay 122 xaaladood, halka 87 qof ay dhinteen, taasoo ka dhigaysa heerka dhimashada ku dhowaad 69 boqolkiiba.
Hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa Beni ka furtay xarun cusub oo lagu daweeyo bukaannada Ebola, si loo kordhiyo awoodda daaweynta iyo in bukaannada si degdeg ah loo gaaro.
Si kastaba ha ahaatee Xaaladda Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa weli ah mid aad u daran, ayadoo Fiditaanka uu gaaray 60 aag, tirada dhimashaduna gaartay 2,786 qof.