U bood dhigaalka

Soomaaliya Ooo Karantiishay 10 Qof o Ka Soo Laabtay DR Congo

Oktoobar 13, 2026

MUQDISHO (Goobjoog News) — Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xarunta daaweynta iyo karantiilka Ebola ee Muqdisho geysay 10 muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo laabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, kuwaas oo safarkooda soo maray Uganda.

Sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Caafimaadka ee 12-kii Oktoobar, dadka la karantiilay waxaa lagu sameynayaa baaritaanno shaybaar iyo dabagal caafimaad. Waxaa sidoo kale socda raadraaca dadka ay la kulmeen intii ay safarka ku jireen iyo markii ay dalka soo gaareen.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay walaaca laga qabo faafitaanka Ebola iyo xogtii hore ee ku saabsanayd qof keliya oo looga shakiyey inuu xiriir la yeeshay bukaan qaba cudurka. Karantiilka 10-ka qof wuxuu muujinayaa in dowladda ay ballaarisay tallaabooyinka taxaddarka iyo dabagalka caafimaadka.

Ilaa hadda, Wasaaradda Caafimaadku ma xaqiijin in qof ka mid ah dadka la karantiilay laga helay fayraska Ebola. Sidaas darteed, karantiilka iyo baaritaannadu waa tallaabooyin ka-hortag ah, mana aha xaqiijin muujinaysa inuu cudurku Soomaaliya soo gaaray.

Natiijooyinka baaritaannada ayaa muhiim u noqon doona go’aaminta tallaabada xigta. Dowladda waxaa sidoo kale laga sugayaa inay bulshada si joogto ah ula wadaagto xogta caafimaadka, si looga hortago warar aan sal lahayn iyo cabsi aan loo baahnayn.