U bood dhigaalka

Xogta QM oo beenisay sawirka Wasiir Cali Xaaji uu ka bixiyay xaaladda caafimaadka Soomaaliya

Oktoobar 7, 2026

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji oo shalay hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee dalka, hase yeeshee sheegashooyinkii uu Guddiga ka hor sheegay waxaa si weyn uga hor imanaya xog ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda arrimaha bani’aadannimada ee OCHA.

Wasiirka ayaa ku faanay in xaaladda caafimaad ee Soomaaliya ay mareyso meeshii ugu wanaagsaneyd, isaga oo sheegay in tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan la badbaadiyey in ka badan 600 oo xarumo ama adeegyo caafimaad ah oo uu sheegay inay halis ugu jireen inay u xirmaan dhaqaale la’aan.

Laakiin xogta OCHA ayaa sawir gebi ahaan ka duwan sheegashada wasiirka ka bixinaysa xaaladda dhabta ah ee caafimaadka dalka.

Warbixin ay OCHA soo saartay 22-kii September 2026 ayaa lagu sheegay in muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Agoosto 2026 ay Soomaaliya ka xirmeen 495 xarumood oo caafimaad, kuwaas oo ay saameeyeen dhaqaale la’aanta iyo hoos u dhaca maalgelinta adeegyada caafimaadka.

380 ka mid ah xarumahaas ayaa ahaa xarumo rasmi ah oo si joogto ah u shaqeynayay, balse sababo la xiriira dhaqaale xumo ayaa intooda badan albaabada loogu laabay, halka qaar kalena si weyn loo dhimay shaqaalihii iyo adeeggyadii caafimaad ee ay bulshada siin jireen. Waxaa intaas dheer, 115 xarumood oo guurguura ayaa sida OCHA sheegtay gebi ahaanba xirmay, taas oo goysay adeegyadii caafimaadka ee ay heli jireen dadka ku nool miyaga fog iyo deegaannada ay adagtahay in la gaaro.

Marka la isbarbar dhigo hadalka Wasiirka Caafimaadka iyo xogta hay’adda Qaramada Midoobay, waxaa soo baxaya su’aal weyn oo ah: Sidee loo sheegan karaa in xaaladda caafimaad ee dalka ay mareyso meeshii ugu wanaagsaneyd, iyadoo boqolaal xarumo caafimaad ah ay xirmeen, qaar kalena ay yareeyeen adeeggyadii ay bulshada siin jireen?

Su’aashan ayaa sii xoogeysanaysa iyadoo Wasiirku uu Guddiga ka hor sheegtay horumar caafimaad oo ballaaran, halka xogta OCHA ay tilmaamayso in maalgelin la’aantu ay keentay in adeegyo caafimaad oo muhiim ah ay istaagaan ama hoos u dhacaan.

Arrinta kale ee sii xoojineysa tuhunka dul hoganaya sheegashada wasiirka waa dalabkii uu sameeyay intii uu socday kulanka, kaas oo ahaa in warbaahinta madaxa-bannaan laga saaro goobta si aan loo duubin kulanka.

Tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta kulanka iyo sababta Wasiirku u doonayay in aan shacabka Soomaaliyeed si toos ah loo gaarsiin doodda iyo su’aalaha ay Guddigu ka weydiinayeen xaaladda Caafimaad ee dalka.

Waxaa xusid mudan in marka laga hadlayo caafimaadka bulshada, aan la iska indho tiri karin xaqiiqada ka jirta goobaha caafimaadka, gaar ahaan marka xog rasmi ah oo ka timid hay’ad Qaramada Midoobay ay muujineyso in boqolaal xarumo caafimaad ay xirmeen.

Shacabka Soomaaliyeed ma mudna in laga qariyo xaqiiqada ku saabsan adeegyada caafimaad ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Sidoo kale, ma mudna in xaalad caafimaad oo halis ah loo sawiro si ka duwan sida ay dhab ahaan uga jirto dalka.

Caafimaadku ma aha arrin siyaasadeed oo lagu qurxin karo tirooyin ama hadallo masuuliyadeed; waa adeeg si toos ah u taabanaya nolosha iyo badbaadada dadka Soomaaliyeed.

Haddii xarumo caafimaad xirmaan, shaqaale la yareeyo, adeegyo hoos loo dhigo, isla markaana dadka ku nool miyiga fog ay waayaan adeegii caafimaad ee ay ku tiirsanaayeen, shacabka waxay xaq u leeyihiin in si cad loogu sheego waxa dhacay iyo sababta keentay.

Shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan xog furan, isla-xisaabtan iyo tallaabo dhab ah oo lagu badbaadinayo adeegyada caafimaad ee dalka.