U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo War ka soo saaray Hooyo iyo Dhallaan dayac kala kulmay mid kamid ah Isbitaallada Muqdishu

Sebteembar 29, 2026

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo ka dhacday Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, taas oo la xiriirta hooyo lagu magacaabo Zamzam Maxamuud Cilmi iyo wiil ay qalliin ku dhashay 20-kii Sebtembar 2026.

Sida Booliisku sheegay, Zamzam ayaa isbitaalka tagtay 19-kii Sebtembar, halkaas oo qalliin loogu sameeyay, iyadoo maalintii xigtay dhashay wiil, waxaana qoyska hooyada oo lagu sheegay inay yihiin dad danyar ah  la sheegay inay awoodi waayeen bixinta kharashaadka caafimaadka iyo jiifka, arrintaas oo keentay muran u dhexeeyay qoyska iyo maamulka isbitaalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Booliiska, maamulka isbitaalka ayaa dacwad ka gudbiyay aabbaha ilmaha, kaas oo loo xiray arrinta la xiriirta lacagaha lagu leeyahay isbitaalka.

Dhanka kale, hooyada iyo ilmaheeda ayaa weli ku sugnaa gudaha isbitaalka, iyadoo kharashka jiifkoodu uu sii socday.

28-kii Sebtembar, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar horkeenis ah, waxaana lagu faray in hooyada iyo ilmaheeda laga soo badbaadiyo xaaladda ay ku jireen, iyadoo la raacayo habraaca sharciga.

Ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay amarka gaarsiiyeen maamulka isbitaalka, isla markaana ay ku wargeliyeen in hooyada iyo ilmaha la fasaxo.

sida Taliska Booliisku sheegay, maamulka isbitaalka ayaa diiday in hooyada iyo ilmaheeda la sii daayo, isagoo ku adkaystay in aan la fasixi doonin ilaa laga bixiyo lacagta lagu leeyahay.

Booliisku wuxuu sheegay in xilligaas hooyadu ay wajahaysay xaalad caafimaad oo la xiriirta waxa uu ku tilmaamay daryeel-xumo, iyadoo sidoo kale la sheegay inay gudaha isbitaalka ku jirtay xaalad go’doon ah oo ay dhowr maalmood cunto la’aan ahayd.

Xeer-ilaalinta ayaa sida Booliisku sheegay amartay in si degdeg ah loo badbaadiyo hooyada iyo ilmaha, halka aabbaha ilmaha uu weli ku xirnaa maamulka isbitaalka. Markii ciidamada loo diray fulinta amarka, waxaa dhacay is-mariwaa u dhexeeyay ciidamada iyo maamulka isbitaalka, kaas oo markii dambe isu beddelay rabshad.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in xaaladda ay ka dhalatay amar-diiddo iyo adeegsiga hub, taas oo keentay in ciidamada ay hubkooda gudaha isbitaalka la galaan si ay u fuliyaan amarka looguna badbaadiyo hooyada iyo ilmaha.

Booliisku wuxuu sheegay in tallaabadaas ay timid xilli hooyadu ku jirtay xaalad caafimaad oo degdeg ah, isla markaana ay go’doon ku ahayd gudaha isbitaalka.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale caddeeyay in aan la oggolayn in goobaha dadweynaha, gaar ahaan xarumaha caafimaadka, hub lala galo, waxaana uu sheegay in dhacdadan si gaar ah loo baarayo.

Booliisku wuxuu tilmaamay in baaritaanka lagu ogaan doono masuuliyadda dhinacyada ku lugta lahaa dhacdada iyo cid kasta oo ku kacday fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdada.

Maamulka isbitaalka iyo cid kasta oo lagu helo inay ku kacday fal sharci-darro ah, sida uu sheegay Taliska Booliisku, waxaa la horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka, iyadoo sharciga loo waafajin doono.

Dhacdadan ayaa timid xilli dood ka dhalatay xaaladda hooyada iyo ilmaheeda, kharashaadka caafimaad ee qoyska lagu leeyahay, xarigga aabbaha iyo sida loo fuliyay amarka Xeer-ilaalinta.