U bood dhigaalka

Dawladda soomaaliya oo amar culus dul dhigtay bahda caafimaadka

Sebteembar 21, 2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal rasmi ah oo ku saabsan dhaqan-gelinta awaamiir iyo go’aanno ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda.

Qoraalka oo ku taariikhaysan 20-ka Sebtembar 2026, kana soo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka, ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka iyo waaxyaha hoos yimaada ay tixraacayaan warqad ka soo baxday Golaha Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, taas oo ku saabsan dhaqan-gelinta hannaanada la xiriira shaqaalaha dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hay’adaha hoos yimaada ay waajib ku tahay inay qaadaan tallaabooyin maamul, xilliga shaqada, beddelid, wareejin iyo magcaabis iyadoo la raacayo nidaamka iyo habraacyada dowladda.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku adkaysay hay’adaha ay khusayso inay ilaaliyaan xaaladda shaqo ee hadda jirta, isla markaana aysan qaadin tallaabo kasta oo wax ka beddelaysa xaaladda shaqaalaha ama qaab-dhismeedka shaqada, ilaa laga helo

Qoraalka ayaa sidoo kale faraya in haddii ay jiraan arrimo u baahan in wax laga beddelo xaaladda shaqaalaha ama habraacyada shaqada, loo baahan yahay in marka hore loo maro habraacyada rasmiga ah, iyadoo la sugayo go’aannada iyo awaamiirta hay’adaha ay khusayso.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn hay’adaha ay khusayso ka codsatay inay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan dhaqan-gelinta iyo xaaladda shaqaalaha, si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan fulinta awaamiirta la soo saaray.