U bood dhigaalka

Warbaahinta Dunida oo Hadal-haysa Hooyo Soomaaliyeed oo 3 maalmood u Lugaynaysay si ay Daawo ugu Hesho Gabadheeda

Oktoobar 12, 2026

Warbaahinta Dunida ayaa si weyn u hadal-haysa Hooyo Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah lugaynaysay, iyadoo sidata gabadheeda oo saddex jir ah, si ay u gaarsiiso isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo, kaddib markii xaaladda caafimaad ee ilmaha ay aad u liidatay, isla markaana ay u baahatay daryeel caafimaad oo aan laga heli karin deegaankooda.

Hooyadan oo lagu magacaabo Xaliimo Cabdullaahi Ibraahim ayaa gabadheeda, Asho Xasan Cabdi, u soo qaaday masaafo ku dhow 90 kiiloomitir, oo u dhiganta 56 mayl, si loogu daweeyo nafaqo-darrada ba’an ee soo wajahday.

Markii ay ugu dambayn gaareen Isbitaalka Kismaayo Referral Hospital, gabadha waxaa la geeyay xarunta lagu xasiliyo carruurta xaaladdoodu liidato, halkaas oo ay shaqaalaha caafimaadku baaritaan ku sameeyeen, iyagoo si gaar ah u eegayay cagaha iyo lugaha hoose ee ilmaha oo bararsanaa.

Dhacdadan ayaa muujinaysa xaaladda adag ee ay wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay adag tahay in laga helo adeegyada caafimaadka, halkaas oo carruurta ay nafaqo-darradu hayso ay la kulmaan caqabado waaweyn oo ku aaddan helitaanka daaweyn degdeg ah.

Socdaalka dheer ee ay hooyadani u martay badbaadinta gabadheeda ayaa sidoo kale muujinaya dhibaatada ay qoysaska nugul kala kulmaan helitaanka adeegyada caafimaadka, gaar ahaan marka xarumaha daaweyntu ay ka fog yihiin deegaannada ay ku nool yihiin.

Warbixintan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) 12-kii Oktoobar 2026, ayaa iftiiminaysa baahida loo qabo in carruurta ay hayso nafaqo-darrada la gaarsiiyo gargaar nafaqo iyo adeegyo caafimaad oo ku filan, si looga hortago in xaaladdoodu kasii darto.