U bood dhigaalka

Rakaab ku geeriyooday Diyaaradda Kenya Airways oo ku sii jeedday Lagos

Oktoobar 7, 2026

Rakaab saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ka duushay magaalada Nairobi kuna sii jeedday Lagos ee dalka Nigeria ayaa ku geeriyooday gudaha diyaaradda, kadib xaalad caafimaad oo degdeg ah oo soo wajahday wax yar ka hor inta aysan diyaaraddu gaarin halka ay ku socotay.

Kenya Airways ayaa Arbacadii sheegtay in dhacdadu ay dhacday Talaadadii, 6-dii Oktoobar, iyadoo rakaabka la sheegay inuu miyir beelay qiyaastii 20 daqiiqo ka hor inta aysan diyaaradda ka degin garoonka caalamiga ah ee Murtala Muhammed ee Lagos.

Shaqaalaha diyaaradda ayaa isla markiiba bixiyay gargaarka degdegga ah, waxayna raaceen habraacyada loogu talagalay xaaladaha caafimaad ee ka dhaca gudaha diyaaradaha.

Diyaaraddu waxay si caadi ah ugu degtay garoonka Lagos abbaaro 9:41 habeenimo waqtiga Nigeria, waxaana diyaaradda ku sugnaa shaqaale caafimaad oo baaritaan ku sameeyay rakaabka. Shaqaalaha caafimaadka ayaa markii dambe xaqiijiyay inuu qofkaasi geeriyooday.

Shirkadda Kenya Airways ma shaacin magaca, da’da ama jinsiyadda rakaabka, sidoo kalena ma aysan sheegin sababta saxda ah ee keentay geeridiisa.

Shirkaddu waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeynayso qoyska marxuumka, maamulka deegaanka iyo hay’adaha qaabilsan duulista, iyadoo ilaalinaysa xogta gaarka ah iyo karaamada qofka geeriyooday.

Dhacdadan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta Nigeria ay darsayaan, iyadoo hay’adda duulista rayidka Nigeria ay xaqiijisay in booliiska uu qayb ka yahay baaritaanka dhacdada.

Kenya Airways ayaa tacsi u dirtay qoyska iyo ehelada rakaabka geeriyooday, iyadoo sheegtay inay bixinayso taageerada lagama maarmaanka ah inta ay socoto la macaamilka qoyska iyo hay’adaha ay khusayso.