U bood dhigaalka

Kenya oo xaqiijisay Kiiskii ugu Horreeyay ee Ebola iyo 28 Qof oo lala xiriirinayo Cudurkaas oo la raadinayo

Oktoobar 6, 2026

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola, kaddib markii muwaadin Kenyan ah oo dhawaan ka soo safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Kenya, Aden Duale, ayaa sheegay in bukaanka uu Sabtidii soo gaaray Nairobi, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta lagu sameeyay baaritaannadii caafimaad ee caadiga ahaa. Kadibna waxaa isbitaalka Nairobi geeyay qof qaraabo la ah iyo saaxiib.

Bukaanka ayaa markii dambe lagu arkay astaamo ay ka mid yihiin qandho, qarqaryo, daal iyo tabar-darro daran, murqo xanuun, liqid xanuun leh, cune xanuun iyo dhiig-bax ka hooseeya maqaarka, gaar ahaan goob cirbad laga muday.

Bukaanka ayaa la go’doomiyay, waxaana la siiyay daaweyn taageero ah, balse wuxuu geeriyooday qiyaastii 11:30 habeenimo Isniintii. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in loo diyaarinayo aas ammaan ah oo sharaf leh, iyadoo la raacayo habraacyada caafimaadka dadweynaha ee loogu talagalay kiisaska Ebola.

Dhanka kale, saraakiisha caafimaadka Kenya ayaa sheegay inay aqoonsadeen 28 qof oo xiriir la sameeyay bukaanka, kuwaas oo ay ku jiraan xubno qoyskiisa ah iyo shaqaale caafimaad. Dadkan ayaa hadda lagu sameynayaa dabagal iyo kormeer caafimaad si loo ogaado haddii ay jiraan kuwo cudurka qaaday iyo in laga hortago faafitaan dheeraad ah.

Kiiskan ayaa xiriir la leh cudurka Ebola ee ka dillaacay DRC. Sida xogta ay soo xigatay Goobjoog News, xogtii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee ku ekeyd 2-dii Oktoobar ayaa sheegtay in DRC laga diiwaangeliyay 8,442 kiis oo la xaqiijiyay iyo 4,080 dhimasho.

Kenya ayaa horey u xoojisay baaritaanka caafimaad ee xuduudaha, awoodda shaybaarada iyo diyaar-garowga xarumaha caafimaadka, iyadoo laga cabsi qabay in cudurku uga gudbo dalalka deriska ah.

Kiiska cusub ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah u leh gobolka Bariga Afrika, maadaama Uganda ay horey u diiwaangelisay kiisaska Ebola ee uga yimid DRC. Sida warbixintu sheegtay, Uganda waxay diiwaangelisay 20 kiis oo la xaqiijiyay iyo laba dhimasho ka hor inta aan la soo gabagabeyn jawaab-celinteeda cudurka.

Hay’adda WHO ayaa bishii May Ebola-da noocan ah ee ka dillaacay DRC iyo Uganda ku tilmaantay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo walaac caalami ah, iyadoo xustay khatarta faafitaanka cudurka ee xuduudaha dalalka gobolka.

Hadda, dowladda Kenya waxay mudnaanta siinaysaa raadraaca 28-ka qof ee xiriirka la yeeshay bukaanka, kormeerka caafimaadkooda iyo xoojinta tallaabooyinka looga hortagayo in Ebola uu ku faafo gudaha dalka.