Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, ayaa guddoomiyay kulammo muhiim ah oo ka tirsan shirweynaha 73-aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Guddoominta kulammadan ayaa muujinaysa ka-qaybgalka Soomaaliya ee geeddi-socodka go’aan-qaadashada iyo dejinta siyaasadaha caafimaadka ee heer gobol, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caafimaadka caalamiga ah.
Shirkan oo ay sannad kasta isugu yimaadaan wakiillada 22-ka dal ee xubnaha ka ah Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee WHO ayaa diiradda lagu saaraa arrimaha mudnaanta u leh caafimaadka bulshada, caqabadaha ka jira nidaamyada caafimaadka iyo dejinta istaraatiijiyado lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee dalalka gobolka.
Kulammada waxaa sidoo kale lagu falanqeeyaa siyaasadaha iyo go’aannada lagu xoojinayo iskaashiga caafimaadka, si wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee malaayiin qof oo ku nool dalalka xubnaha ka ah gobolka.
Ka-qaybgalka iyo guddoominta kulammada uu wasiirku hoggaaminayo ayaa Soomaaliya siinaya fursad ay kaga qayb qaadato doodaha iyo go’aannada saameeya jihada siyaasadaha caafimaadka gobolka, isla markaana ay ku soo bandhigto mudnaanta iyo baahiyaha nidaamkeeda caafimaad.
Soomaaliya ayaa muddadii u dambeysay dadaal ugu jirtay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaadka, dhismaha awoodda hay’adaha caafimaadka iyo helitaanka taageero wax looga qabanayo caqabadaha ka jira dalka.
Shirweynaha 73-aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee WHO ayaa qayb ka ah kulammada joogtada ah ee lagu dejiyo jihada iyo mudnaanta caafimaadka gobolka, iyadoo go’aannada ka soo baxa ay muhiim u yihiin isku-duwidda dadaallada caafimaadka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah hay’adda.