U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Rajo Ka Muujisay In La Xaliyo Khilaafka Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay xalinta khilaafka u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waxa uu sheegay wasiirka in hadda magaalada Garoowe uu ku sugan yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, taasna ay muujinayso sida dowladda ay diyaar ugu tahay in la xaliyo khilaaf walba oo jira.

“Puntland Ra’iisul wasaaraha ayaa kasoo jeeda, waana ninka dalka oo dhan xukuma maamul ahaan, wax kala tagaya ma jiraan, khilaaf walba oo la xalinayo waxay ku imaanayaan Dastuur, laakiin dadaalka uu Ra’iisul wasaaraha wado, madaxweynaha iyo guud ahaan xukuumadda Rajo wanaagsan ayaa laga qabaa in wax walba ay dhamaadaan oo la xaliyo” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ayaa mar uu soo hadal qaaday arinta ku aadan dacwadda badda Kenya ayuu sheegay in dowladda ay ku guuleysatay hor istaagga shirkado shidaal ka baarayay Badda Soomaaliya, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay dacwadaasi ku guuleysato.

“Soomaaliya xaqqa ayeey ku taagan tahay walaalaha aan deriska nahay ee Kenya waxaa laga filayaa in ay dib uga laabato xaq darada oo ay ogolaato xuduuda sharciga ah, hadii ay taasi dhici weyso cadaaladda ayaa lagu kala baxayaa anagane xaqqa ayaan ku soconnaa” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Maareeye.

Dowladda Soomaaliya ayaa 13-kii bishan waxa ay maxkamada ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, taasi oo ku aadan kusoo xad gudubka dowladaasi ee biyaha Soomaaliya.

Goobjoog News