U bood dhigaalka

Shirkadda Favori ee Maamusha Garoonka Aadan Cadde oo Loogu Baaqay in ay Shaqaaleysiiso Soomaalida

Sheeko:Dalka

Xaflad balaaran oo lagu qabtay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa loogu mahadceliyey, laguna bogaadiyey shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Favori, waxaana lagu amaanay shaqada wanaagsan ee ay shirkadaasi qabatay.

Guddoomiye ku xigeenka garoonka Maxamuud Faarax Cigaal oo xafladda ka hadlay ayaa dhanka kale shirkadda ugu baaqay in shaqaalaha ay dalka banaankiisa ka keensanayso ay ku badasho shaqaale Soomaaliyeed oo xirfad u leh qabashada shaqaalaha kale ee dibadda laga keenayo.

Najmudiin Booro oo ah madax shirkadda Favori ayaa u mahadceliyey shaqaalaha Soomaalida, sheegeyna in waxyaabaha u qabsoomey shirkadda ay iyagu hormuud ka yihiin.

Bishii Sebtember 2013-kii ayay shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Favori LLC ay shaqo ka biloowdey garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan kadib markii ay kala wareegtey tii kale ee Koonfur Afrika laga lahaa ee SKA.

Mashruuc ku kacay $10 milyan oo doolar ayay Favori ku bixisey dib u habeynta garoonka oo hadda qaadi kara illaa 60 diyaaradood, markii horana kaliya qaadi jirey 15 diyaaradood.

Balse shaqaalaha ka shaqeeya garoonka ayaa waxaa xadkii loogu talogalay ka badan kuwa ajaaniibta ah, gaar ahaan hawlaha muhiimka ah ah ee xagga maamulka, waxaana jira dalabyo ah in shaqaalaha Soomaali ah la kordhiyo.

Goobjoog News