Hoggaamiya yaasha ShirkadahaTecknolojiyadda ugu Caansan oo Hindiya kasoo jeeda!!
Shirkadii Tecknolojiyadda Mareykanka kuwooda ugu caansan waxaa Madax ka noqday dad kasoo jeeda dalka Hindiya, taas oo Saxaafadda Mareykanka ay maalmahan qorayaan.
Shirkadaha ay dadkan hogaaminayaan waxaa ka mid ah: Goobgle, Microsoft, Adobe iyo shirkado kale oo caalami ah, waxaa la fahmi la’yahay sida Milkiilayaasha shirkadahaas u aamineen dadka ka soo jeeda dalka Hindiya.
Sundar Pichai, waa Madaxa shirkadda Google, waxaa uu markii hore u shaqeyn jiray shirkadaha Google Chrome , Chrome OS iyo Google Drive.
Satya Nadella, waa Madaxa shirkadda Microsoft, waxaa uu ku soo jeedaa Nadella magaalada Hyderabad, waxaa uu uu heystaa bachelor’s degree xagga engineering in electronics.
Nadella waxaa Master ka heystaa Computer Science Jaamacadda Wisconsin, Chicago Booth School of Business.
Sanjay Kumar Jha, waa madaxa Global Foundries, Sanjay Kumar Jha waxaa uu kasoo jeedaa Bihar, waa Madaxa Global Foundries, waxaa uu heystaa PhD in electronics engineering Jaamacadda Strathclyde, Scotland.
Shantanu Narayen Madaxa, Adobe: Shantanu Narayen oo ina kasoo jeeda Hyderabad, waxaa uu Madax ka yahay shirkadda Adobe.
9 sano uu shirkadaas ka shaqeynayey waxaa loo magacaabay Madaxa shirkadda Adobe,
Narayen waxaa Jaamacadiisa ugu horeysa ka dhameeyay Osmania University, halka Masters in computer science uu ka qaatay Jaamacadda Green State University, Ohio
Rajeev Suri Madaxa shirkadda , Nokia, waxaa uu heystaa Khibrad 25 sano ah, waa Madaxa shirkadda Nokia, waxaa uu sidoo kale talooyin kale siiyaa shirkadaha si loo faa’ideysto.