U bood dhigaalka

Baarlamaanka Somaliland oo Ansixiyay Wasiirro Cusub Oo Uu Soo Magacaabay Madaxweyne Siilaaanyo

Sheeko:War

Golaha wakiilada Somaliland oo shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa ansixiyay wasiirro cusub iyo Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo  dhawaan uu magacaabay Madaxaweyne Axmed Siilaanyo.

Kulanka baarlamaanka ee Axadii shalay waxaa soo xaadiray 51 xildhibaan, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigaanka 1aad ee Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax iyadoo ajandaha xubnaha horyaalla uu ahaa ansixinta xubno ku cusub golaha wasiirada Somaliland iyo Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalah ee maamulka.

Mas’uuliyiinta kala ah wasiirka Ganacsiga Xuseen Adan Cige iyo wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Maxamuud Amiir Warsame  , wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Maxamed Mixile Boqorre, ayaa iyagu dhankooda sugayay in baarlamaanku u ansixiyo si qof qof ah codka kalsoonidana u qaado.

Ugu dambeyn baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh oo gacan taag ah ku ansixiyay mas’uuliyiinta la hor keenay, iyagoo sidaa ku helay kalsoonida shaqo ee mas’uuliyadda loo igmaday.

Goobjoog News