U bood dhigaalka

Hogaamiyahii Taliban Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyhii Talibaanka  dalka Afgaanistaan ayaa la sheegey in lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada cirka dalka Mareykanka ee ka howl gala dalkaas.

Sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah Mullah Akhtar Mansour iyo qof la socday ayaa la dilay xili ay saarnaayeen gaari marayey dhul miyi ah oo ku dhow xuduuda Afgaanistaan uu la wadaago dalka Pakistaan.

Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka ayaa sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa Mullah Akhtar Mansour balse ay wali hubinayaan natiijada ka soo baxday weerarkaa.

Mansour ayaa xilka hoggaaminta Talibaan la wareegay  July 2015, isaga oo badalay aas aasihii iyo hoggaamiyihii ruuxiga ah ee  Mullah Mohammad Omar.

Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in labada dal ee Pakisran iyo Afgaanistaan lagu wargeliyey in howl-galku uu dhacayo.

Nin diiday in magaciisa uu sheego oo ka tirsan Taliban ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in wararka sheegaya dilka hoggaamiyahooda uu maqlay ayna yihiin warar aan sal iyo raad laheyn, qofkan ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu hubo Mullah Akhtar Mansour uu nool yahay.

Kooxda Taliban ayaa qarinayey dhimashada hoggaamiyahoodii hore Mullah Mohammad Omar mudo Seddax Sano ah iyaga oo ugu dambeyn xaqiijiyey dhimashadiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in ay dishay Mansour balse laba sano kadib dowladda afgaanistaan ayaa beenisay warkaa

Haddii warkani uu sax noqdo waxa ay kunoqoneysa kooxda taalibaan jug culus oo mar labaad soo gaartay.

Goobjoog News