U bood dhigaalka

Ragga Gaaraaca Haweenka Oo Kusoo Badanaya Somaliland

Sheeko:Dalka

Ururuka haweenka qareennada Somaliland ayaa diiwaan geliyey in tirada haweenka ay waxyeelladu kasoo gaarto ragga qaba ee magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Gabilley ay Labadii Bil ee sanadkaan ugu horreeyay xaddi badan kor u kacdaya.

Dumaradan ay waxyeeleeyeen raggii qabay ayaa ururuka haweenka qareenka Somaliland noo sheegeen in dhammaantood sharciga lagu taageeri kari waayey sababo lala xiriira dadaallo oday dhaqameedyada oao ku hor gudboonaanaya in xaasaska loogu hiiliyo sharciga madaniga ah.

Raaqiyo Yuusuf Ibraahim waa agaasimaha ururkan, waxay u sheegtay Goobjoog News in ay qabteen Labo bilood oo kaliya 124 Kiis oo arrimahan ah.

“Haddii aan iminka kuu soo qaado oo kale Labadii bilood ee sanadkan ugu horreeyay 124 kiis ayaanu haynay waxaanu oran karnaa waa dhibaatada ugu bada ee iminka aad moodo inay soo kordheyso una sabab yihiin waxyaabo dhaqankii, guurkii degdega ah ka mid yihiin iyo is faham la’aan dhanka qoyska ah, Lambarkii sanadkii hore waxa uu ahaa 225 Kiis guud ahaan”

Raaqiyo ayaa sidoo kale inoo sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dumar ay waxyeello kasoo raagtay raggii qabay ay suurta gali weysay inay ugu qareemaan sharciga, 225-ka haweenka ah ay dhibaateeyeen raggii qabay 157 ka mid ah haweenkaasi dacwadahoodii maxkamadaha horyaallay waxaa loo rogay arrimo dhaqan oo duqey iyo xigaal dhameeyaan, raaqiyo ayaan markaasi ka dib weydiinnay waxa ugu wacan in tirada intaasi la eg ee haweenka ah sharciga ay ugu qareemeen usii socon waayey iyo sababaha ugu badan ee raggu ay haweenku u waxyeeleeyaan.

“Halka ugu badan ee caqabadda ka taagan tahay meel kale ma ahan waa dhaqanka, ama gabadhii iyadu ha fahmi weyso ama dhaqan ha u haysato in uu ninkii dilo caadina tahay in gurigeeda ku noqoto, ama Odayaasha hasoo dhex galaan oo gabadhii ku celiyaan guriga ninkii soo dilay lagaba yaabo gabadhu inay jaban tahay, ama wixii ayba caadi iska noqoto oo dilka soo laab laabto, Labada qoysna aaminsan yihiin in dilka caadi iska yahay, marka waxyaabaha ugu badan oo la oran karo waa u sabab waa dhaqanku” ayeey tiri Raaqiyo.

Maxay Odaya dhaqameedyadu u joojinayaan dacwadahaasi oo iyagu ula wareegayaan, waxaan su’aashaasi weydiinnay dhaqan yahan Muuse Cali Faruur oo ku nool magaalada Hargeysa.

“Maxkamaduhu waxay doonayaan inay sharcigu raacaan, hadii sharcigaasi la raacanayo waa inuu noqdaa kii Allah ina faray, laakiinse maxkamadahan madaniga ah dee qoys inay dumiyaan mooyee qoys ma dhisaan, waligeed dhaqanka baan uga bixi jirnay wixii dhaca”

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle ayaa dhankiisa qaba in dilalka haweenka ay u geystaan ragga qaba ay ahayd mid dhaqanka Soomaalida soo jireen ka ahayd balse iminka ay magaalooyinka ay xaajadu kusii murugtay.

“Mushkilad jirtay bay ahayd dumarka oo dilistaasi wey jirtay raggoo dhanna maahan oo waa nin nin oo had iyo jeer dabeecad xun, iminka magaalada wey kusii badatay”

Inkastoo hannaanka Oday dhaqameedyadu xalka ugu raadinayaa mushkiladaha qoysaska uu soo jiraan ahaa ayaa hadana agaasimaha ururuka haweenka Qarannada Somaliland Raaqiyo Yuusuf Cismaan waxay u aragtaa in sharci dhaqameedka Soomaalidu aan ahay mid qoran uu haweenka ku adag yahay waqtiganna tahay mid taagan.

“Waxaad moodaa in dhaqanku uu aad u xoog badan yahay dhinacii dumarka inuu ku adag yahay baad moodaa, dumarka qudhooda looga dhigayo wax caadi ah sida isaga oo Kitaab ku qoran yahay, Odayaasha dhaqanka galaya Kiiska, marka caqabad badan waaye, dhaqanku ma ahan wax qoran oo aan dhihi karno waa sharci meel ku qoran oo qodobo u eegeyno kana soo xiganay kitaabkii ama sunnadii NNKH” ayeey tiri.

Awoodaha Oday dhaqameedyada ee ku aadan arrimaha qoysaska, awoodaha dumarka ee xilligan iyo cidda ugu wacan ee lagu simo karo xalka dhibaatooyinka ay haweenka kala kulmaan raggooda ayeeynu mar kale wax ka weydiinnay abwaan Yuusuf Cabdulle.

“Dumarku qudhoodu maanta ma ahan dumarkii hore, meel bay iska taagtaa, dumarkuna maanta kuwii inta la dilay iska aamusayey oo udub xoogga qabsan jiray looguna imaan jiray ma ahan, waa dumar Jaamacado galay, dhaqaalo haysta, wata Passport, marka waxay doonaan ayeeyba sameynayaan, cillada waxa weeye dhaqankii, siyaasaddeenii, magaaladeenii baa isku barxan, wey jirtaa gabadha la kufsado, ama tan la dilo Odayaal baan imaanaya, waxaana halkaasi ka baxaya dambigii ama tallaabadii ninka lagu qaadi lahaa, waxaa kaloo iyana imaanaysa in gabadha xaqeedii lagu duudsiiyo oo ninkii marka kiiskii Odayaal intay isku yimaadaan oo wax isla gartaan lagu kala tagayo, arrintaan berry ayeey soo noqoneysaa waayo ninkii lama xanuunjin dhibna ma aanu arag, marka waa arrin u baahan in maxkamadda loo daayo oo ninka kiiska uu muto lagu qaado” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle.

W/D:- Cumar Serbia (Hargeysa)

W/Q:- Maxamed Abukar Kulmiye (Muqdisho)

Goobjoog News