Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Sababta ay u Xireen Qoraa Siciid Maxamuud

Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland Faysal Xiis Axmed ayaa ka hadlay xarig uu muddo 10 maalmood ah dambi baarista ugu jiro qoraa Siciid Maxamud Gahayr oo ah qoraa ka faalooda arrimaha siyaasada, waxaanu afhayeenku ku eedeeyey in qoraagu uu caado ka dhigtay hadalo deel qaaf ah iyo kicin dadweyne.
Faysal Xiis oo arrinta xariga qoraaga kala hadlaayey warbaahinta waxa uu yiri ”Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu qoraallo ku faafiyey baraha bulshada waxaanu adeegsaday qaab kicin karta dadweynaha isaga oo uu waliba ku celceliyey , waxaanu marar badan dadweynaha u soo jeediyey inay ka hor yimadaan amarrada ay xukuumaddu bixiso gaar ahaan dhul dad dhawaan laga raray oo ku yaalla agagaarka Airportka Hargeysa, iyada taa laga duulayo ayaa waxaa sharci noqotay in la soo xiro ka dibna dambigiisa la baaro maxakamadana loo gudbiyo”.
Afhayeenka oo hor keenay saxaafadda qoraalada uu sheegay in lagu eedeeyey Siciid waxa uu xusay in soo qabashadiisa oo ay amarkeeda lahayd xeer ilaalinta maxakamada gobolka Hargeysa iyo talisku ay u adeegsan doonaan dacwadooda qoraaladan uu ku faafiyey baraha bulshada .
Ururada u dooda xuquuqda insaanka iyo xisbiyada mucaaridka ah ayaa xukuumadda ku eedeyey xarigga qoraa Siciid waxayna gaar ahaan eedaha huwiyeen wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay iyagu dhinacooda sheegeen inuu qoraagu amarkiisa ku xiran yahay.
Goobjoog News