Faa’idada Qubeyska Biyaha Qabow iyo Biyaha Diiran

Waxaa jira faa’idooyin badan oo la helo ku qubeysiga biyaha qabow ama diiran, si aad wax badan uga ogaato ayaan ku soo koobney liiska hoos ku qoran:
Firfircooni dheeraad ah: qubeysiga qabow waxaa laga helayaa firfircooni dheeraad, waxaa kaloo qubeyskaas oo faa’ido u leeyahay wadnaha, waxaa uu daawo u yahay dhiikarka.
Awoodda jirka: qubeyska biyaha qabow ee subaxdii Waxaa uu faa’ido u leeyahay in uu jirka awood u lahaado cudurada.
Dufinka Oo La Gubo: qubeyska biyaha qabow ee subaxdii waxaa uu sidoo kale faa’ido u leeyahay in uu gubo dufinta iyo waxyaabaha la xiriira.
Maqaarka iyo tinta: qubeyska biyaha qabow ee subaxdii Waxaa uu sidoo kale ilaalitaa iftiinta iyo quruxda maqaarka jirka iyo tinta.
Daawo: qubeyska biyaha qabow ee subaxdii waxaa uu daawo u yahay cuduro badan.
Faa’idada Qubeysa Boyaha Diiran
Muruqda Oo Fiicnaada: waxaa uu biyaha diiran faa’ido u leeyihiin muruqyada iyo kala goysyada.
Jirka oo nadiif noqda: waxyaabaha uu faa’ido u leeyahay waxaa ka mid ah in uu jirka nadiif ahaado.
Walwal la’aan: Biyaha diiran oo lagu qubeysto waxaa ay keenaan walwal la’aan maalintaas ah.
Ugu dambeyntii, Biyo qabow ku qubeyso ama biyo diirane, Muhiimadda waa in aad qubeysato, si adigana aad faa’ido u hesho dadkana aad si xushmo le hula noolaato.