Kenyatta Oo EU-da Ugu Baaqey Kordhinta Taageerada AMISOM

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa uguy baaqey Midowga Yurub iney kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay xabadka u dhigaan qatar walbo oo dhanka Al-shabaab ka timaada, sidaasi darteedna ay haboon tahay in la xoojiyo taageerada la siinayo ciidankaasi.
Madaxweynaha Kenya ayaa dhinaca kale sheegay in weli ay jirto qatarta Al-shabaab, ayna weli halis ku yihiin jiritaanka qaarada Afrika, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan ka dalbanayaa Midowga Yurub in la kordhiyo taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM, waa ciidan howlweyn haya, waxay dagaal kula jiraan Al-shabaab si gobolka u helo xasilooni waarta” ayuu yiri Kenyatta.
Ugu Dambeyn Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto dedaallada lagu doonayo in Al-shabaab looga tirtiro gobolka, isaga oo qiray in dhankooda dhibaato badan ay kaga imaaneyso Al-shabaab.
Goobjoog News