U bood dhigaalka

Dowladda Tanzania Oo Sharci Adag Kasoo Saareysa Kalluumeysiga Sharci Darada Ah

Sheeko:Dalka

Dawladda Tanzania ayaa qorshaynaysa in ay dib u eegto xeerka lagu maamulo waaxda kalluumaysiga iyadoo wax ka badaleysa qodobo fududeynaya kalluumeysiga sharci darada ah oo dharbaaxo ku ah dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee dalka Tanzania ayaa sheegay in sharciyada kalluumeysiga ee hadda jira ay leeyihiin dolduleello sababaya in aysan la kulmin ciqaab adag dadka lagu soo qabto iyaga oo ku guda jiro falal kalluumeysi oo sharci darro ah.

Qaybta kalluumaysiga waxaa inta badan haga laba xeer oo kala ah: Xeerka Kalluumeysiga 2003 iyo Xeerka Awoodsiinta Kalluumeysiga Badda ee 2009.

Wasiirka ayaa sheegay in saraakiisha wasaaradda ay isku diyaarinayaan in shuruucda cusub ay horgeeyaan baarlamaanka kala-fadhiga ugu soo horreeyo ee bisha Feberaayo dhici doona.

Dr Tizeba, Wasiirka Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee dalka Tazaaniya, ayaa tilmaamay in dowladda Tazaaniya ay ku guul dareysatay in ciqaab ku qaadda dadka lagu soo qabta iyaga oo ku guda jiro fal  ka dhan ah sharciyada kalluumeysiga.

Wasiirka waxa uu sheegay in 1.5 tan oo kalluun ah lagu dilay qaraxyo, balse dadkii looga shakiyay falkaas ayaa ku guuleystay in baxsadaan.

Qodobada 43’aad iyo 44’aad ee Xeerka Kalluumeysiga ayaa sheegaya in qofkii lagu soo qabta isaga oo adeegsanaya walxaha qarxa ku dila kalluunka iyo noolayaasha badda in ay tahay in la xabiso muddo aan ka yareyn 5 sano sidoo kalena aan ka badneyn 10 sano, haddii uu sun adeegsadana waxa uu muteysan doonaa Xabsi mudadiisa aysan ka yareyn 7 sano.

Dr Mathias Igulu oo arrimaha badaha kala shaqeeyo ha’ado caalami ah ayaa sheegay in dhammaan noocyada kala duwan ee kalluumeysiga sharci darada ah ay Qatar ku tahay in badda ay ku nagaadaan noolayaal kala duwan.

Waxa uu intaas sii raaciyay in adeegsiga shabaqyada kalluumeysiga ah ee la mamnuucay, qaraxa iyo suntan in ay carqaladeynayaan jiritaanka kalluunka iyo ku noolaanshaha meeshaas.

“Qofwalba waxaa xil ka-saaran sidii loo cirib-tiri lahaa kalluumeysiga sharci darada ah, waxaana ku joojin karnaa inaga oo aan dalban kalluunka sida sharci darada ah lagu soo qabtay. Hoteelada, shirkadaha iyo shaqsiyaadka waa in ay joojiyaan iibsiga kalluunka ay uga shakiyaan in lagu soo dilay sunta ama qaraxa” ayuu sii raaciyay Dr. Mathias.

Goobjoog News