Miisaaniyaddii ugu Badneyd Abid ee Maamulka Somaliland oo Golaha Wakiilladu ay Meel Mariyeen

Golaha wakiillada Somaliland ayaa si duuduub ah ku meel mariyay miisaaniyaddii ugu badneyd abid ee uu maalmulku uu yeesho, taas oo odorska miisaaniyadda sanadkan 2017 lagu qiimeeyay $ 362,517,393.
Fadhigan oo maalintii shalay ka dhacay xarunta Golaha ee Hargeysa ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaanno gaaraya illaa 67 xubnood ajandaha xubnaha horyaallayna uu ahaa ansixinta miisaaniyadda sanadka 2017.
Xubnaha Golaha Wakiillada ayaa loosoo bandhigay labo qodob midkood iney u codeeyaan kuwaas oo kala ah: Kan Koowaad, ka doodista miisaaniyadda wax ku daris iyo ka dhimis iyo qodobka Labaad oo ahaa in si duuduub ah lagu meel mariyo, ugu dambeyn waxaa ogolaatay in si duuduub ah lagu meelmariyo 47 xildhibaan, halka 17 xubnood ay diideen, lixna ay ka aamustay.
Hadaba, halkan hoose ka akhriso odoroska Miisaanidyadda 2017 ee maamulka Somaliland oo dhameystiran:
REPUBLIC OF SOMALILAND
MINISTRY OF FINANCE
MINISTER OFFICE
Date: 26-12-2016
Ref: WM/02/08-01/1228/2016
Ku: Shir Gudoonka iyo xubnaha Golaha Wakiiladda JSL Hargeysa
Ujeedo: Gudbinta Odoraska Miisaaniyadda Sannadka 2017:-
Mudane Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeenayaal iyo Mudanayaalba,
Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-12-2016, waxaan si weyn ugu faraxsanahay in aan idiin soo gudbiyo Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2017, taas oo la soo gudbiyey waqtigii uu sheegayey sharciga maaliyadda qaranka ee No. 90/96,anigoo ku hadlaaya magaca Wasaaradda Maaliyadda oo gudanaysa waajibka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55 aad farqadiisa 1.aad.
Hordhac
Miisaaniyadda 2017 waxay ka kooban tahay Miisaaniyadda Dawladda Dhexe,Miisaaniyadda Hayadaha Madaxa banaan ee Dawladda , Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Miisaaniyada Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada Deeqbixiyeyaashu( Somaliland Development fund) iyo Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda Hoose (JPLG).
Sidoo kale waxa la socda Siyaasadii Miisaaniyadda 2017 ee ay soo diyaarisay sanadkan Wasaaradda Maaliyaddu.
Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Somaliland yeesho,waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii 2016. 27.5%.
Dakhliga Miisaaniyadda 2017
No | Hay’ada | SLSH | Dollar |
1 | Dawladda Dhexe | 1,553,204,022,280 | 258,867,337 |
2 | Hay’adaha Madaxa-banaan | 303,338,532,125 | 50,556,422 |
3 | Dawladaha Hoose | 208,570,347,257 | 34,761,725 |
4 | Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah | 97,268,562,000 | 16,211,427 |
5 | Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta | 12,722,892,000 | 2,120,482 |
Grand Total | 2,175,104,355,662 | 362,517,393 |
Dakhligaasina waxa uu ka imanayaa
- Kastamada
- Cashuuraha Berriga
- Isgaadhsiinta
- Liisamada Ganacsiga
- Dekedda
- Kirada guryaha Dawladda iyo iibka Hantida Dawladda sida:- dhulka, Guryaha Dawlada iyo Iskaraabka.
- 50% kabka Dawladaha hoose
- Macdanta
- Kaluumaysiga
- Beeraha
- Kirada Maxjarada
- Dakhliga hay’adaha Madaxa banaan
- Dakhliga Dawladaha hoose
- 2% ka Gobolada Bariga
- Dakhliga fuel levy ga,road levy ga, levyga liisanka wadista Gaadiidka,levy ga horumarinta wadooyinka.
- Deeqaha caalamiga ah ee tooska ah (Somaliland Development Fund).
- Mashruuca Maamula Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG.
Faahfaahinta Dakhliga Miisaaniyadda 2017
Dakhliga Miisaaniyadda 2017 wuxuu ka kooban yahay2,175,104,355,662
una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393tafaasiisheeduna waxay tahay sidan hoos ku qoran:-
No | Wakaalada/Hay’ada | Budget 2017 | Percent |
1 | Dawladda Dhexe | 1,553,204,022,280 | 258,867,337 |
2 | Dawladaha Hoose | 208,570,347,257 | 34,761,725 |
3 | Dekedda Berbera | 200,891,841,500 | 33,481,974 |
4 | Baanka Dhexe | 29,965,644,952 | 4,994,274 |
5 | Wakaaladda Biyaha Gebiley | 2,122,323,000 | 353,721 |
6 | Wakaaladda Biyaha Hargeysa | 25,719,277,055 | 4,286,546 |
7 | Wakaaladda Biyaha Burco | 11,218,141,645 | 1,869,690 |
8 | Madbacada Qaranka | 4,747,807,513 | 791,301 |
9 | Wasaaradda Duulista | 3,085,200,000 | 514,200 |
10 | Wakaaladda Biyaha Berbera | 6,325,324,600 | 1,054,221 |
11 | Wakaaladda Laydhka Berbera | 12,373,771,860 | 2,062,295 |
12 | Wakaaladda Biyaha Borama | 6,889,200,000 | 1,148,200 |
13 | Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah | 97,268,562,000 | 16,211,427 |
14 | Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta | 12,722,892,000 | 2,120,482 |
Grand Total | 2,175,104,355,662 | 362,517,393 |
- Heerka Khasnada Dawladda ee Jan-October 2017.
Haddii aan warbixin kooban ka bixino natiijadii ka soo baxday Odoroskii Miisaaniyadda 2016, Dakhliga dhabta ah ee ina soo galay Jan-October 2016 wuxuu noqday 923,413,904,625 oo u dhiganta $ 153,902,317 halka kutalagalka dakhliga Jan-October 2016 uu ahaa884,012,177,620/=,oo u dhiganta $ 147,335,362waxaana dheeraad kasoo baxay 39,401,727,005/= oo u dhiganta $6,566,954 Sidoo kale waxa jira Dakhli dheeraada oo ah106,558,071,724kana soo wareegay sanadkii 2015 isla markaana ku jira dakhliga Miisaaniyadda 2017kaas oo ku jira qasnada dawlada.
Madax xigayaasha Dakhliga Miisaaniyadda 2017
Dakhliga Miisaaniyadda 2017 wuxuu u kala baxaa sidan:-
Nooca Dakhliga | Dakhli | Percentage |
Hadhaaga Khasnada 2015 | 106,558,071,724 | 7 |
Dakhliga Cashuuraha | 1,166,007,684,732 | 75 |
Dakhliga Adeega | 116,679,104,858 | 7.51 |
Dakhliga Ganaaxyadda | 6,242,936,571 | 0.4 |
Dakhliga Hantida | 56,835,550,886 | 4 |
Dakhliyada Kale | 24,223,254,349 | 2 |
Dakhliga Deeqda | 44,404,022,280 | 3 |
Kabka Dawladda Hoose | 32,253,396,880 | 2 |
Total | 1,553,204,022,280 | 100 |
Korodhka Dakhliga Miisaaniyada 2017.
Mudaneyaalsida aad la socoto waxa wadanka ku dhuftay abaar baahsan taas oo saamayn taban ku yeelatay xoolaha aynu u dhoofino debada,hadana ilaahay mahadiis, taasi may noqon mid dhaawac ku keenta dakhligii dhoofka xoolaha, balse haddii ay abaartu sii socoto waxay saamayn doonta dakhliga dhoofka xoolaha, taas oo u baahan in Somaliland ay ka baxdo ku tiirsanaanta dakhliga kastamadda, isla markaana aynu u wareegno dakhliga cashuuraha berriga.
Sida aad la socoto waxay golaha wakiiladdu meel mariyeen labadii xeer ee dakhliga iyo kastamadda,iyagoo sidoo kalena dhawaan la ansixiyey xeerarka Maamulka Maaliyadda Qaranka iyo Hantidhawrka, taas oo noqotay markii u horaysay ee wax ka bedel lagu sameeyey xeerarka cashuuraha iyo kuwa maaliyadda qarankaba, inagoo hore u isticmaali jiray xeerarkii 1967, waxaana la odhan karaa waa qayb ka mid ah guulaha ay gaadhay xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee aad gadhwadeenka ka tahay Madaxweyne.
Wasaaradda Maaliyaddu iyadoo ka duulaysa kordhinta dakhliga waxay bilowday kobcinta iyo tayeynta xafiiska cashuuraha berriga, waxaana markii u horeysay la hirgeliyey xafiiska diiwaangelinta cashuur bixiyeyaasha (Large Taxpayer Office),iyadoo la diiwaangelinayo dhamaan cashuur bixiyeyaasha dalka, isla markaana loo kala saarayo darajooyin, qof kasta oo cashuur bixiye ahina heli doono kaadhka cashuurta (Tax Identification Number), sidoo kalena waxay dib u habayn balaadhani ku socotaa nidaamka cashuur ururinta ee Waaxda cashuuraha berriga.
Waxaa sidoo kale xusuus mudan in markii u horaysay ay Wasaaradda Maaliyaddu ku guulaystay diyaarinta siyaasada cashuuraha(Tax Policy), taas oo wax badan ka bedeli doonta nidaamkii cashuuraha ee dawladda dhexe iyo dawladda hooseba. Waxaa sida si la mida ay dib u habayn balaadhani ku socota Waaxda Kastamadda taas oo wax bedel lagu sameeyey qaabkii hore ee wax loo cashuuri jiray, isla markaana la hirgeliyey nidaamka dunidu ay isticmaasho ee fududeynta ganacsiga (Trade Facilitation) iyo ka faaiidaysiga wakhtiga (SAD Single Administrative Document).
Waxaa intaas dheer in Wasaaradda Maaliyaddu ay hirgelisay xafiiskii deeqaha ee xisaabaadka guud (Fiduciary office), kaas oo ay wixii deeqa ahi maraan nidaam xisaabeedka dawladda, ka dib markii ay ku qanceen deeq bixiyeyaashu, waxaana ka mida mashaariicda ay miisaaniyaddahoodu maraan nidaam xisaabeedka dawladda mashaariicda uu Baanka Aduunku ka wado Wasaaradda Qorsheynta, Hayada Shaqaalaha, Wasaaradda Deegaanka,Wasaaradda Maaliyadda iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaana sanadkan ay deeqahaas ku jiraan Miisaaniyadda dawladda dhexe dakhli iyo kharashba, marka laga tago Miisaaniyadda dawladda hoose oo gaara.
Hadaba Korodhka ka muuqdaodorosku waxaa uu ka soo jeedadedaalka wasaaradda maaliyaddu iyo hayadaha kale ee gacanta siiya ay ku hayaan ururinta dakhliga, gaar ahaan kor u qaadista cashuuraha berriga, meelaha diirada la saarayana waxay yihiin cashuuraha kala ah, Cashuurta gedista, cashuurta macaashmacaashka ganacsiga,shaqaalaha iyo cashuuraha kale .
Meelaha kale ee dakhliga sanadka 2017 ka kordhay waxaa kamid ah dakhliga dheeraadka ah ee kasoo wareegay sanadka 2015 ee kor ku xusan iyo dheeriga kamuuqda Jan-October 2016 ee isna kor ku xusan oo kutusaya calaamad ah in dakhligu kordhayo sanadka 2017, sababta kale ee korodhkaasina wuxuu noqonayaa Badeecadaha soo degeya iyo kuwa dhoofaya oo kordhaya.
Hadaba Sidaynu wada ognahay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland sidii uu Madaxbanaanidiisa u la soo noqday, ma jiro wax soo saar buuran oo xaga beeraha iyo wershadaha ah oo aynu dunida u dhoofino, marka laga tago xoolaha nool oo hada aabarahan soo noqnoqday ay aad u saameeyeen,sidoo kale ma jirto wax deeq Miisaaniyadeed ah oo adduun weynaha inaga soo gaadhay, waxaase halkaas aynu ku soo gaadhnay dan wadaagnimada dhaqaalaha ee aynu dhaqanka u leenahay.
Markaa waxaan aaminsanahay,iskaashigaas oo si midaysan loo sii xoojiyaana inay qayb laxaad leh ka qaadanayso kobcinta dakhligeena,markaa waxaan codsanayaa in Dakhli ururinta iyo Wacyigelinta Cashuur Bixinta,Qaran ahaan loo wada guntado.
Korodhka Kharashka Miisaaniyadda 2017:-
Miisaaniyaddan oo ah mid ka turjumaysa waxqabadka Dawladda ee kuwajahan sanadka 2017 (Comprehensive Budget)ahna mid wax ku ool ah waxay xooga saartay qodobadan:-
- Qalabka iyo Saanada ciidamada dalka ee kala duwan.
- Kharashka Doorashooyinka iyo Kaadhka bedelka
- Kordhinta mushaahaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada dalka 10%.
- Kordhinta Miisaaniyadda Ictiraaf-raadinta
- Kharashka Ciidanka ilaalada shiidaalka.
- Kharashka Gurmadka Abaaraha.
- Kharashka Mashruuca Dhiraynta Deegaanka.
- Iibka Kharashka Laabka Biyaha
- Dhiska iyo Dayactirka wadooyinka dalka.
- Dhismaha Guriga martida Boorama
- Dhismaha MCH yada uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.
- Dhismaha goobaha dabdemiska ee Borama, Burco iyo Wajaale.
- Dhismaha garoonka cusub ee Shulaac Stadium Hargeisa.
- Dhismaha Guryaha Macalimiinta.
- Dhismaha Goobaha Kalluunka
- Dhismaha Library Borama
- Dhismaha Libraryga Berbera
- Dhismaha jeelal ka Burco .
- Dhismeyaasha xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda.
- Dayactirka garoonka kubada kolayga ee Tima-cadde
- Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka
- Iibsiga qalabka caafimaadka.
- Iibsiga gaadiidka Dabdemiska
- Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha
- Kaalmada Madxafka Saryan .
- Kaalmooyinka Agoomaha.
- Kaalmada dallada Naafada qaranka
- Kaalmada ururka saxafiyiinta ee SOLJA.
- Kaalmada dallada Dhallinyarada ee SONYO
- Mashruuca Xanaanada Xoolaha
Kharashka Guud ee Miisaaniyadda Sannadka2017. | |||
M/Xige | FaahFaahin | Sannadka 2017 | Percentage |
210 | Kharashka Shaqaalaha | 723,630,739,156 | 48.90% |
212 | Kharashka Adeega Shaqaalaha | 8,696,737,200 | 0.60% |
2210 | Kharashka Isticmaalka Adeega Hawsha | 355,794,665,394 | 24.10% |
2220 | Kharashka Isticmaalka Alaabta Hawsha | 149,729,114,040 | 10.10% |
2230 | Daryeelka iyo Dib-u Dhiska Dhismayaasha | 19,261,141,611 | 1.30% |
2710 | Iibsiga Hantida Raagta | 51,436,841,720 | 2.30% |
2720 | Dhismayaasha Cusub | 65,120,000,000 | 4.40% |
2510 | Kabka | 6,095,250,079 | 0.40% |
2630 | Kalmooyinka Qaybaha Kale ee Dawladda | 36,167,390,800 | 2.40% |
2650 | Wareejimaha Lacagaha aan Deeqaha ahyn | 52,734,942,000 | 3.60% |
2660 | Keydka Qaranka | 8,000,000,000 | 0.50% |
2810 | Bixinta Deymaha Qaranka | 32,133,178,000 | 1.40% |
Deeqda Baanka Aduunka | 44,404,022,280 | 2.86 | |
Total | 1,553,204,022,280 | 100% |
Wax ka Bedelka Tacriifada 2017
Sida caadadu tahay waxaa wax ka bedel iyo dub u eegis lagu sameeyaa tacriifooyinka Cashuuraha iyo Adeegyada Dawladdu qaado sanadkiiba hal mar.
Sidaas darteed; Sanadkan waxaa laysla qaatay in wax ka bedel lagu sameeya tacriifooyinka Cashuuraha waana sidan soo socota:
Local | Foreign & Joint Venture | |||
Type of Service License | Sole proprietry ship | Partnership | Sole proprietry ship | Partnership |
Printing Service | $150 | $300 | $1000 | $2000 |
Publishing Service | $150 | $300 | $1000 | $2000 |
University Educational Service | $400 | $500 | $4000 | $5000 |
Secondary Educational Service | $300 | $400 | $3000 | $4000 |
Elementary Education Service | $100 | $200 | $500 | $1000 |
Interimediate Education Service | $200 | $300 | $2,500 | $3000 |
Chemical Control Management | $150 | $300 | $1000 | $2000 |
Water Service | $150 | $300 | $1000 | $2000 |
Electricity Service | $ 150 | $300 | $1000 | $2000 |
Clinical Service | $ 150 | $300 | $1000 | $2000 |
Marine Survey Service | $200 | $400 | $2500 | $3000 |
Shipping Maintenance | $200 | $400 | $2500 | $3000 |
Oil and Gas | $500 | $1000 | $2000 | $3000 |
Clearance & Forwarding | $500 | $500 | – | – |
Goobjoog News