U bood dhigaalka

Kulanka Golaha Shacabka Ee Maanta Oo u Baaqday Kooram La’aan

Sheeko:Dalka

Kulan lagu wadey maanta in ay yeeshaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u baaqday kooram la’aan, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha.

Qoraalkan oo koobnaa ayaa u qornaa “Dhamaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219”.

Warkan ayaa imaanaya saacado kadib markii uu golaha xildhibaannada u diray fariin ah in maanta oo sabti ah uu dhaco kulan.

Fariinta hore waxaa ay u qorneyd sidan:

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS Ayaa Kulan Ku Leh Beri oo ah sabti Tar 12/1/2019,
AJENDAHA: Shirka bari waa
1. U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud
2. Xeer Maamul Bankiga dhexe
Saacada: 09.00 am (Subaxnimo)

Goobjoog News