U bood dhigaalka

Akhriso: Musharraxiinta Jubbaland Oo Shuruudo Ku Xiray Ka Qeybgalka Doorashada

Musharraxiinta xilka madaxweyne ee Jubbaland, islamarkaana la baxay Midowga Musharraxiinta ayaa waxay shuruud ku xireen ka qeybgalka doorashada madaxweynaha.

Wafdigii IGAD ee ay la kulmeen ayeey hordhigeen 8 qodob oo ay sheegeen haddii la sameeyo in ay doorashada ka qeybgali doonaan.

Qodobada ayaa kala ah:

1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland.

2: In hal qof  loo soo xulo  kursi Xildhibaan

3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan.

4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan  Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM.

5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM.

6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka

7: In in Goob joogayaal Caalami ah  la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka.

8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada.

Musharraxiintan ayaa ku eedeeyey madaxweyne Axmed Madoobe sheegashada awood, iyo inuu doonayo mar kale inuu soo noqdo.

Goobjoog News