Musharraxiinta xilka madaxweyne ee Jubbaland, islamarkaana la baxay Midowga Musharraxiinta ayaa waxay shuruud ku xireen ka qeybgalka doorashada madaxweynaha.
Wafdigii IGAD ee ay la kulmeen ayeey hordhigeen 8 qodob oo ay sheegeen haddii la sameeyo in ay doorashada ka qeybgali doonaan.
Qodobada ayaa kala ah:
1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland.
2: In hal qof loo soo xulo kursi Xildhibaan
3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan.
4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM.
5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM.
6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka
7: In in Goob joogayaal Caalami ah la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka.
8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada.
Musharraxiintan ayaa ku eedeeyey madaxweyne Axmed Madoobe sheegashada awood, iyo inuu doonayo mar kale inuu soo noqdo.
Goobjoog News