U bood dhigaalka

Taliyeyaasha Ciidamada Cirka Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Qaahira

Sebteembar 12, 2026

Qaahira, Masar: Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, General Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Cirka Masar, General Amr Abdelrahman Saqr.

Labada taliye ayaa kulankooda kaga wada hadlay horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidamada Cirka Soomaaliya iyo Masar.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhinacyada tababarka ciidamada, khibrad-wadaagga, dhismaha awoodda iyo horumarinta tayada Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Taliyeyaasha labada ciidan ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinaca difaaca iyo amniga, si loo horumariyo awoodda ciidamada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh taariikh dheer oo ku dhisan xiriir iyo iskaashi dhinacyada amniga iyo difaaca ah, iyadoo labada dowladood ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo shacabkooda.