Kampala, Uganda — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kampala kaga qeybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW).
Shirka oo muddo saddex maalmood ah socday ayaa diiradda lagu saaray doorka ciidamada ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageerada bulshada, ilaalinta nabadda, gurmadka musiibooyinka iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Waxaa shirka ka qeybgalay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika, ururrada goboleed iyo hay’adaha ku howlan hawlgallada nabad-ilaalinta.
Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, isku-duwidda iyo wada shaqeynta ciidamada Afrika, gaar ahaan marka ay timaaddo hawlgallada milatari ee ka baxsan dagaallada caadiga ah.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa shirka soo xiray, isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada Afrika si loo horumariyo awoodda qaaradda ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, musiibooyinka iyo hawlgallada nabad-ilaalinta.
Ka qeybgalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dadaallada iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya ay kula leedahay dalalka Afrika iyo hay’adaha qaaradda.