Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa soo xiray tababar ku saabsan hoggaaminta wanaagsan oo loo qabtay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Tababarka waxaa bixiyay khubaro ka socday Midowga Yurub (EUCAP), waxaana saraakiisha lagu baray xeelado iyo istaraatiijiyado casri ah oo la xiriira maamulka iyo hoggaaminta.
Intii uu tababarku socday, saraakiisha ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen isbeddellada ka socda dunida casriga ah, gaar ahaan horumarka tiknoolajiyadda iyo sida looga faa’iideysan karo shaqada ciidanka iyo maamulka hay’adaha amniga.
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa sheegay in horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ciidamadu ay kamid tahay mudnaanta uu siinayo hoggaanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in tababarrada iyo aqoon-kororsiga la gaarsiiyo dhammaan heerarka kala duwan ee Ciidanka Booliiska, laga bilaabo askarta ilaa saraakiisha sare ee hoggaanka haya.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo xirfadda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay ula jaanqaadaan hababka casriga ah ee hoggaaminta, maamulka iyo shaqada amniga.