Muqdisho – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku qabtay gaari nooca Toyota Qooqan ah oo la sheegay inuu siday hub iyo rasaas badan.
Gaariga ayaa la sheegay in ciidamada ammaanku ay markii hore ka shakiyeen, kaddibna ay istaajiyeen, iyagoo baaritaan ku sameeyay.
Baaritaanka kaddib, waxaa la sheegay in gaariga laga helay 30 qori oo AK-47 ah iyo 10 qori oo nooca BKM-ka loo yaqaan Dabo-jeex ah.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaariga iyo hubka lagu qabtay loo qaaday Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib markii uu la wareegay Maslax oo ah taliyaha ciidamada Madaxtooyada.
Warar kale ayaa sheegaya in hubka la qabtay uu leeyahay mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan magaciisa la shaacin, iyadoo la sheegay in aan la doonayn in xogtiisa loo dusiyo warbaahinta.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in baaritaanno lagu bilaabay wadihii gaariga si loo ogaado halka uu hubka ka keenay iyo halka uu u waday.
Gaariga ayaa lagu qabtay isgoyska Jiiro-Wacbuudhan ee degmada Kaaraan, halkaas oo muddo saacado ah uu xirnaa. Isgoyska ayaa markii dambe dib loo furay, iyadoo gaadiidka iyo dadweynuhu ay dib u isticmaali karaan waddada.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka dowladda oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaya dhacdadan iyo cidda iska leh hubka la qabtay.