Muqdisho, 24 Sebteembar 2026 – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulanka hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray howlgallada amniga, iyadoo saraakiisha amniga ee loo xilsaaray ay kulanka ka jeediyeen warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo howlaha socda.
Sidoo kale, kulanka ayaa dib loogu eegay sida loo fuliyey qodobadii iyo go’aamadii kasoo baxay kulankii toddobaadkii hore, iyadoo la qiimeeyey horumarka laga sameeyey howlaha loo xilsaaray hoggaannada iyo qaybaha kala duwan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda howlaha amniga iyo wada-shaqeynta hay’adaha iyo qaybaha kala duwan ee Booliiska.