U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Saraakiil Turki ah

Sebteembar 21, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo tababarka ciidamada, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo doorka tababarrada ay bixiso TURKSOM.

Taliyaha TURKSOM iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda sii wadidda iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta iyo kobcinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinaca amniga iyo difaaca.