Muqdisho, Soomaaliya – 16 Sebtembar 2026: La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay kulamo iyo wada-tashiyo muddo laba maalmood ah u dhexeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika.
Kulanka gabagabada ah ayaa lagu qiimeeyay qodobadii looga hadlay kulamadii iyo wada-tashiyadii labada maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Wafdiga Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Amniga Qaranka, soo dhaweynta iyo fududeynta kulamadii ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Sidoo kale, wafdiga ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dadaallada la-dagaallanka argagixisada, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo is-dhaafsiga khibradaha.