Muqdisho, 24 Sebteembar 2026 – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, waxaana kulanka qayb ka ahaa Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira iskaashiga milatari iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah ee dhinaca amniga iyo difaaca.