Dowladda Uganda ayaa si degdeg ah u hakisay dhammaan iskaashigii difaac iyo militari ee ay la lahayd Turkiga, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay sii jiri doonto ilaa la xalliyo arrimo ay labada dhinac kala tabanayaan.
Go’aanka waxaa 19-kii Sebtembar 2026 ku dhawaaqay Korneyl Chris Magezi, oo ah ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta Difaaca ee Wasaaradda Difaaca iyo Arrimaha Ciidamadii Hore ee Uganda.
UPDF ma aysan faahfaahin waxa ay yihiin arrimaha la isku hayo ama heshiisyada gaarka ah ee uu hakadku saameynayo.
Go’aankan ayaa soo baxay xilli xiriirka Kampala iyo Ankara uu muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay, gaar ahaan arrin la xiriirta Fred Lumbuye, oo ah nin u dhashay Uganda oo dowladda dalkiisa si weyn u dhaliila, kuna nool Turkiga.
18-kii Sebtembar, taageerayaal ka tirsan Patriotic League of Uganda (PLU) ayaa banaanbax ka dhigay bannaanka Safaaradda Turkiga ee Kampala, iyagoo dalbaday in Ankara ay Lumbuye ku wareejiso dowladda Uganda.
Warbaahinta ayaa sheegtay in General Muhoozi Kainerugaba, oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, uu muddo ku cadaadinayay Turkiga arrintan.
Si kastaba, bayaanka rasmiga ah ee UPDF si toos ah uguma xirin hakinta iskaashiga militari arrinta Lumbuye, waxaana ciidamada Uganda aysan shaacin sababta gaarka ah ee ka dambeysa go’aanka.
Uganda iyo Turkiga waxay muddo dheer lahaayeen xiriir dhinaca difaaca ah oo ay ku jiraan tababarrada ciidamada, iskaashiga warshadaha difaaca, qalabka militari iyo dhinacyo kale oo amni.
Labada dal ayaa sanadkii 2016 kala saxiixday heshiis iskaashi militari oo dhigayay qaab-dhismeedka iskaashiga dhinacyada tababarka, booqashooyinka ciidamada, warshadaha difaaca, sirdoonka, saadka, nabad-ilaalinta iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.
Khilaafka Kampala iyo Ankara wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay Soomaaliya, maadaama labada dal ay door muuqda ku leeyihiin amniga Soomaaliya, inkastoo UPDF aysan sheegin in Soomaaliya ay sabab u tahay hakinta xiriirka militari ee Turkiga.
Uganda waxay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee ciidamada geeya Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu qayb ka yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Uganda ayaa sidoo kale muddo dheer ciidamada ka joogeen Soomaaliya, iyadoo qayb ka ahayd hawlgalladii Midowga Afrika ee dalka ka socday.
Dhanka kale, Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay iskaashi ballaaran oo dhinaca difaaca iyo tababarka ah, waxaana uu magaalada Muqdisho ku leeyahay xerada TURKSOM, oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, oo ay ku jiraan cutubyo gaar ah.