U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar ku Dhammeystay

Sebteembar 16, 2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Baydhabo kormeer ugu tegay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar ku soo dhammeystay magaalada.

Taliyaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xerada ay ciidamada ku qaadanayeen tababarka, halkaas oo uu warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha mas’uulka ka ah tababarka ciidamada.

Warbixinta uu Taliyuhu ka dhageystay saraakiisha ayaa la xiriirtay heerka uu marayo tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee lagu baray muddadii ay tababarka ku jireen.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale qiimeyn ku sameeyay xaaladda ciidamada iyo heerka ay gaareen marka la eego tababarka iyo diyaar-garowga ay u leeyihiin gudashada waajibaadkooda ciidan.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku doonayo in lagu xoojiyo tayada iyo awoodda ciidamada, iyadoo muhiimad la siinayo tababarro joogto ah iyo kor u qaadista xirfadaha askarta.

Taliska Ciidanka XDS ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu tayeynayo ciidamada, si loo helo ciidan leh tababar, aqoon iyo diyaar-garow ku filan oo awood u leh gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Kormeerka Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli Taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan qorshayaal lagu xoojinayo awoodda ciidamada, gaar ahaan deegaanada ay dowladda dooneyso inay ku ballaariso ama ku xoojiso joogitaankeeda amni.