Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Gedo, Korneyl Diyaad Cabdi Khaliil, ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ay si nabad ah ku galeen magaalada Beledxaawo, isla markaana aysan jirin wax dagaal ah oo ay magaalada kula galeen ciidamo kale.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay degeen goobihii horay loogu qorsheeyay, isagoo xusay in soo gelitaankoodu uusan ku imaan dagaal ama iska horimaad. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ciidamada ay soo dhoweeyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo saraakiisha ku sugan magaalada.
Korneyl Diyaad Cabdi Khaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland ay xoog kula wareegeen magaalada Beledxaawo ama ay la wareegeen qaybo ka mid ah magaalada.
Wuxuu caddeeyay in magaalada ay weli ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in labada dhinac ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo xasilloonida magaalada Beledxaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta ciidamada kala duwan ee ku sugan deegaanka, si looga hortago wax kasta oo keeni kara khalkhal amni, loona ilaaliyo badqabka shacabka.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay jireen warar kala duwan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada Jubbaland ee magaalada Beledxaawo.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay taliyaha booliiska gobolka, ciidamada Jubbaland waxay magaalada ku galeen si nabad ah, mana jirin dagaal dhacay intii ay halkaas soo gelayeen.