Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku teedsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo lagu beegsanayay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu burburiyey jidgooyooyin iyo isbaarooyin ay kooxdu u adeegsan jirtay inay ku carqaladeyso isu-socodka shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha deegaannadaasi.
Ciidanka Danab ayaa intii uu howlgalka socday ka saaray isbaarooyinkaas, kuwaas oo sida lagu sheegay warbixinta caqabad ku ahaa dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan kuwa isaga kala goosha labada gobol.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga iyo fududeynta isu-socodka bulshada.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sidoo kale wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka iyo deegaannada muhiimka ah, iyadoo shacabka loogu baaqayo inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay soo gudbiyaan xogaha la xiriira dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan.