Muqdisho, 6 Oktoobar 2026 — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Jilib, kaas oo lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, howlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar 2026, waxaana Bashiir lagu tilmaamay horjoogihii hore ee kooxda Amniyaadka ee Al-Shabaab, xilkaas oo uu hayay intii u dhexeysay 2016 iyo 2024.
Hay’addu waxay sheegtay in Bashiir uu sidoo kale adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
NISA ayaa ku eedeysay Bashiir inuu muddo dheer ka mid ahaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, isla markaana uu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah. Waxaa ka mid ahaa weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye iyo weerarro kale oo lagu qaaday goobo ku yaalla xeebta Liido.
Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallo joogto ah oo lagu baacsanayo xubnaha sare ee Al-Shabaab ee lagu eedeeyo inay ku lug leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarrada.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in dilka Bashiir uu saameyn ku yeelan karo hoggaanka iyo shabakadaha kooxda, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Hay’addu waxay shacabka ugu baaqday inay la wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira khataraha amni iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo Daacish.