U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka Sameeyay Tuulooyin hoos taga Deegaanka Caad

Oktoobar 8, 2026

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa deegaanka iyo Maamulka Degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyinka Jiracle iyo Hareeri Jimcaad, oo hoostaga deegaanka Caad ee degmada Xarardheere.

Ciidamada ayaa gaaray goobihii la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo howlgalka ka sameeyay deegaannadaasi.

Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyay ammaanka tuulooyinka ay howlgalka ka sameeyeen, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay howlgallada lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga deegaannada hoos yimaada degmada Xarardheere.