Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo qaybo ka mid ah magaalada, iyadoo dhinacyadu ay isu adeegsanayaan hub noocyo kala duwan ah.
Ilo maxalli ah iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in xaaladdu ay weli kacsan tahay, iyadoo laga maqlayo rasaas iyo qaraxyo ka dhacaya qaybo ka mid ah Baydhabo, balse ma jiraan xogo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara khasaaraha iyo halka uu dagaalku marayo weli lama hayo.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad taabacsan maamulkii hore ee laftagareen oo ayagu sheegay inay weerarka qaadeen.
Afhayeen u hadlay dhinaca ciidamada taageersan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in ciidamadoodu ay weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, isagoo xusay in ujeeddadu tahay inay gudaha magaalada la wareegaan.
Ilaa hadda, maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya si faahfaahsan ugama aysan hadlin dhammaan wararka iyo sheegashooyinka la xiriira halka uu marayo dagaalka, taasoo sababtay in xogaha soo baxaya ay noqdaan kuwo kala duwan.
Ma aha markii ugu horreysay ee Baydhabo ay ka dhacaan iska horimaadyo u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed, waxaana ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay horey uga hortageen weerarro noocaan ah.