Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Taliyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, oo uu weheliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Taliyaaniga, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka, gaar ahaan isbeddellada ka soo cusboonaaday Badda Cas, saameynta ay xaaladdu ku yeelan karto amniga Soomaaliya iyo gobolka, iyo muhiimadda isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ka hortagga khataraha wadajirka ah iyo joogteynta taageerada istiraatiijiga ah ee Talyaanigu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.