Xulalka Dhallinyarada Soomaaliya Iyo Eretrie Oo Leh Ciyaar Adag
Sheeko:Wararka Cayaaraha

Xulalka dhallinyarada Soomaaliya iyo Eretrie ayaa kulamadooda afaraad ee is arag heer Groupyada ku balasan garoonka kubbadda cagta Asmara.
Xulka 15 Jirada Soomaaliya kulankii u dnabeeyay waxa ay natiijo 2-0 kaga badiyeen dhigooda Sudan waxaana ciyaartaa goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Mahad Cabdiqaadir Sheekh iyo Cabdullahi Cumar.

Marti geliyaasha tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Eretrie iyagana kulankii u danbeeyay waxa ay guul daro 2-1 kasoo gaartay xidigaha da’yarta Kenya.

“Wiilasheena waa u diyaar kulankan waxaan kawada sugaynaa in ay guul kusoo qatimaan ciyaarta u danbeesa ee is araga heerka Groupyada” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ah tababare ku xigeenka xulka dhallinyarada 15 Jirada Soomaaliya.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka-Cecaf Under 15 2019
Dalalka-Somalia VS Eritrea
Tariikhda-24-08- 2019
Maalinta- Sabti
Sacaada Kulanka-4:30pm
Garoonka-Asmara Stadium