U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Ciyaar Xiiso Badan Ku Dhexmartay Xidigihii Hore Kubbadda Cagta Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo kuwada dheelay ciyaartooydii hore Dalka ee Gobolada Banaadir iyo Gobolka Shabeelada Hoose waxaana is dhaxgalkan ka shaqeeyay dhallinyaro ka timid qurbaha iyo kuwa jooga Wadanka,iyagoo mudooyinkii danbe ka shaqaynay kulamadan oo kale.

Cali Cusmaan oo ka tirsanaa kooxdii ku ciyaaraysay Gobolka Shabeelada Hoose ayaa u mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay howshan,wuxuuna  madaxada ciyaaraha u soo jeediyay in ay abaabulan isu imaantinka is dhaxgalkan oo kale.

Saacid Axmed Abuukar oo horay u ahaa garsoore dhinaca kubbadda cagta. ayaa isna sheegay in kulamadan oo kale ay qibrad wanaagsan ka helayaan dhallinyarada soo koraysa

Xidigihii hore Soomaaliya ayaa ku faraxsanaa in mudo dheer ka dib ay ku kulmaan garoon, iyagoo bogaadiyay qaban qaabiyaasha iyo mas’uuliyeentii casuumay.

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Muqdisho Ay Ku Dheeleyn Labada Dhinac

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle