U bood dhigaalka

Bahda Ciyaaraha Oo Walaac Ka Muujiyay Dayacaada Ka Jirta Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhallinyaradda Dowladda

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Dowladda Khadiijo Diiriye oo ah wasiirkii ugu waqti dheeraa ee  soo mara wasaarada ciyaaraha ayaa ka  gaabisay shaqooyinkii loo igmaday,iyadoo waqtigeeda ugu badan uu ka qaatay amaanta iyo buun buunita madaxda ugu saraysa Dalka manajiro shaqaalo ka tirsan Wasaarada oo ka hadli kara dayacda xumada iyo horomar la’aanta ka jirta wasaarada ciyaaraha .

Axmed Cumar Islaw oo ah wasiirka ku xigeenka wasaarada ciyaaraha ayaa goor sii horeeyay uu la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in wasaarada aysan ka soconin wax shaqo horomar la’aanta ka jirtana ay masuul ka tahay wasiirka  Khadiijo Diiriye.

Dad badan oo la socoda soo kabashada ciyaaraha dalka ayaa ku hamaniyay in Wasiirada Khadiij ay soo kordhiso wax badan oo guulaha u ah wasaarada ciyaaraha,balse waxa ay nasiib daro ku tilmaameen in uu waqtigii uu ka lumiyay,maadaama shaqooyinkii laga sugayay ay u weecisay dhinaca siyaasada.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dayacaada Ka Jirta Wasaarada Ciyaaraha