U bood dhigaalka

Madaxda Isboortiga Galmudug Oo Qaatay Kulan Looga Hadlayay Horomarinta Ciyaaraha

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Dhuusamreeb ee caasimada Galmudug waxaa kulan iskugu yimid mas’uuliyeenta iyo madaxda ciyaaraha waxaana kulan qeyb ka ahaa guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame Badshaa,iyadoo u jeedada ay aheyd kala warqaadasho iyo isu dhawaashaha iyo kawada shaqeynta horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga deegaanada kala duwan ee Galmudug.

Mahad Cabdi Gabayre oo ah guddoomiyaha ciyaaraha degmada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyay madaxda ciyaaraha sida ay iskugu yimaadaan caasimada,isagoo dhanka kale u mahad celiyay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre da’daalka uu ku bixiyay dhismaha iyo dib dhiska garoonka kubbadda cagta caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Maxamed Yare oo ku hadlayay magaca isboortiga degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in kulanka uu qeyb ka yahay kulamado lagu horomarinayo ciyaaraha deegaanada Galmudug,isagoo intaa ku daray in yoolkooda yahay in dhallinyarada reer Galmudug loo helo garoomo casri oo si wanaagsan loo diyaariyay.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame  ayaa bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda ciyaaraha,isagoo sheegay in hamigooda uu yahay in ay bulshada iyo bahda ciyaaraha Galmudug loo diyaariyo garoomo casri ah ka dibna loo qabto tartamo kala duwan.

Si kastaba Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ayaa kormeeray garoonka ciyaaraha Dhuusamareeb waxaana bahda isboortiga Galmudug ay u mahad celiyeen soo celinta  raysal wasaare kaalinta uu ka geestay quruxda iyo dhismaha garoomada kala duwan ee kubbadda cagta Galmudug.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxda Ciyaaraha Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle