Muslimiin Badan Oo Taagan Buurta-Carafo Si Ay U Gutaan Acmaasha Xajka
Maalayiin xujey ah ayaa maanta oo arbaca ah taagan Buurta-Carafa si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee acmaasha Xajka.
Marka ay qoraxdu dhacdo ayaa xujeydu ay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay u dhameystiraan waajibaadkooda.
In kastoo wali uu jiro in sanadkan saamey uu ku yeeshay COVID-19 hadana waxa jira muslimiin badan oo gudanaya maanta acmaasha xajka.
Xujeyda Sanadkan 2020 ayaa lagu soo koobay 10 Kun oo Ruux, kuwaas oo ka imaanaya Gudaha dalka Sacuudiga sababo la xiriira Coronavirus.
Waxa sidoo kale maanta soomaan muslimiin badan oo caalamka ku nool , iyadoo maalinta beri oo Jimca ah ay ku began tahay maalinta Ciidul -Adxa.
Magaalooyin badan oo Soomaaliya ah waxa ka soconaya diyaargarowga dadka ay ugu jiraan maalinta Ciidul-Adxa , waxana suuqyada dalka ku sugan dadwayne doonaya in maalintaas ay u dabaal-degaan.
Goobjoog News