U bood dhigaalka

Xamdi Xalane Oo Ku Nool Wadanka Canada Ayaa Aas-Aastay Koox kubbadda Cagta Oo Wiilal Ah,Hadaba Caqabado Noocee Ayay Kala Kulantaa Bulshada?

Sheeko:Cayaaraha

Xamdi Axmed Xalane waxay ka mid tahay qurbajoogta ku nool wadanka Canada waxayna halkaas ka aas aastay koox kubbadda cagta oo wiilal ah kuwaas oo ka qeyb galka ciyaaraha laga qabto Canada waxayna sheegtay in ay tahay howl adag,balse muhiim ay u tahay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa ay kooxda aas-aasantahay mudo labo sano ah waxaana u samaynay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u noqoto meel ay isku bartaaaan kuna soo bandhigaan xirfadooda xaga ciyaaraha” ayay Goobjoog Sports u sheegay Xamdi Axmed oo ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Halane .

Kooxo badan oo Soomaali ah ayaa ka dhisan yurub iyo Maraykanka waxaana badankooda wada dhaqaalaha ku baxa dad saaxiib,iyagoo hadafkooda ah in magaca Soomaaliga uu ka muuqdo Dalalka ay joogaan waxaan sidoo kale kooxahaas ka mid ah dhallinyaro kale oo ka soo jeeda Wadamo kale.

“Qurbajoota ku nool Canada kaalin wanaagsan ayay ka qaateen horomarka Halane Sports iyaga ayaan ku gaarnay meesha aan iminka jooga,waan ugu mahad celinayaa doorkooda muhiimka ee dhinaca guulaha ” ayay Xamdi Axmed markale u sheegtay Goobjoog Sports.

Afartii sano la soo dhaafay waxaa Soomaaliya ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaanayay dhallinyaro ka kala socotay Wadamada Yurub iyo Maraykanka waxaana badankooda iminka ay qeyb ka yihiin mashruuca horomarinta Xulka Qaranka Dalka.

“Hadafkeena fog ee Halane Sports waa in ay ka soo baxaan dhallinyaro badan oo tayo sare kuwaas oo qeyb ka qaata horomarka iyo kobaca guulaha Qarankeena ee mustaqbalka soo socda” ayay tiri Xamdi.


Aas aasaha kooxda Halane Sports Xamdi Axmed waxay dhallinyarada iyo bahda isbooortiga ku dhiirigelisay in qof kasta uu ku da’daalo hamigiisa ku aadan ka muuqashada ciyaaraha Caalamka.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka hibada sare u leh dhinaca ciyaaraha,waxaana tusaale ahaan lala meel dhigaa Wadanka Brazil,hadii waqti iyo da’daal la geliyo dhallinyaradeena waxaan gaari doonaa guul waaweyn” ayay hadalkeeda ku soo gaba gabaysay Aas aasaha naadiga Halane Sports.

Daawo Waraysi Dhinac Skyp-ka ay Goobjoog Sports siisay Xamdi Axmed Xalane

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle